Dambilayaal Lagu Khaarijiyay Xabsiga Dhexe

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya in Howlgal lagu khaarijiyay Maxaabiistii ku xirneyd Xabsiga dhexe ee Muqdisho, kuwaasoo qaarkood dil bareer ah loogu geystay gudaha xabsiga, iyadoo amarkaasina uu bixiyay Mr.Farmaajo…

Xogtaan ayaa Diinah.com news u Xaqiijisay in 15-Dambiile la xaqiijiyay in lagu dilay intii uu howlgalka socday, Maxaabiistaan 9-Maxbuus ayaa ku xukunaa Xabsi Daa’im, 3-Dembiile ayaa horey loogu xukumay 15-sano xarig ah, Hal Dembiile Oo 8 Sano lagu xukumay iyo mid ku xukunaa 6-sano, Rasaasta ayaa galaafatay Dambile ku xukunaa Caasi-waalidnimo, (Dhaqan-toosin) halka 7-kale lagu dhaawacay.

Dembiilayaasha ugu khatarta badnaa, ee bareerka loo dilay, waxaa ka mid ahaa:-

-Dembiile Cabdisalaan Maxamed Nuur Oo Lagu helay inuu basaas u ahaa Shabaabka kana tirsanaa NISA (Laba Kaarle).
-Ibraahim Maxamuud Maxamed Daacishta Somalia
-Dembiile Maxamed Daa’uud Dirir Warsame (Dr.Raage) oo ka tirsanaa Kooxda Daacishta Somalia.
-Cabdisalaan Maxamed Oo Xabsiga Dhexdiisa loogu fasaxay isticmaalka net-ka ee Xiriirka baraha Bulshada.
-Dembiile Gama’diid oo ka tirsanaa Kooxda Ilkacase.

53570cookie-checkDambilayaal Lagu Khaarijiyay Xabsiga Dhexe