Ciidamada Danab Iyo U Adeegsashada Doorashada

Somalia news

Kadib markii ay Dowladda Mareykanka ku dhaqaaq day iney Ciidamadeeda kala baxeyso Somalia, ayaa waxaa la sheegay in welwel iyo shaki laga muujiyay in loo adeegsaday Danaha siyaasadeed Ee Boobka Doorashada Ciidamada Danab ee ay Tababareen Mareykanka….

Dhowaan ayeey aheyd markii lagu Eedeeyay Dowladda Turkiga iney si aan gabasho laheyn u Taageertay Siyaasada Fadhiidka ah ee Maamulka Farmaajo, iyagoo Ciidamada Gorgor u fidiya Tababaro iyo Qalabeynba (Hub iyo Saanad), waxaana la sheegay in Ciidamadaan loo adeegsado Caburinta Dadka ka aragtida duwan Madaxtooyada Somalia.

Sarkaal madax ka soo noqday Ciidamada Danab sanadihii 2016/19 ayaa sheegay “marka hore, haddii Maamulka Farmaajo uu isku dayo inuu faro-geliyo Hogaanka iyo Maamulka Ciidamada Danab, isla markaasna uu u adeegsado danihiisa siyaasadeed, waxey horseedi doontaa in kalsoonida Shacbiga ka lunto”.

Sarkaal kale oo ka tirsan Ciidamada Danab Ee Qeybta Galmudug ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay sumcadda ciidanka, tan iyo markii uu soo baxay warka ah in ciidamada Mareykanka ay baxayaan, isla markaasna Maamulka Ciidamada ay la wareegayaan Wasaarada Difaaca Somalia.

“Cabsideena ugu weyn ayaa ah inaan lumino sumcadeenaa. Aaminaadda ay shacabka nagu qabaan ee ah inaan dalka u dagaalameyno ee aan u dagaalameyn siyaasi, taas oo ah awooddeena ugu weyn. Haddii aan taas lumino, waxba ma dhaanto musiibo,” ayuu yiri sarkaalkan oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, si aysan u beegsan Mas’uuliyiinta Dowlada Federaalka.

Ciidamada Danab ayaa lagu qiyaasaa iney dhan tijding 1200 oo Saraakiil iyo Dabley, (Hal Guuto), waxeyna ku kala sugan yihiin Magaalooyinka Kismaayo, Gaalkacyo, Boosaaso, Hargeysa iyo Xarunta dhexe ee Ciidamada Danab oo ah Degaanka Degaanley ee Duleedka Bali doogle.

83140cookie-checkCiidamada Danab Iyo U Adeegsashada Doorashada