Kulanka Xildhibaanada Iyo Shakiga Muddo Kordhinta

Somalia news

Waxaa isa soo taraaya Wararka la xiriira qorshe muddo kordhin oo ay si wadajir ah u soo diyaarsadeen Mr.Mursal iyo Mr.Muudey, iyadoo uu daaha gadaashii ka hagaayo Mr.Farmaajo, iyadoo laga cabsi qabo in Xildhibaanada ay Gacan taag looga dhameeyo Muddo kordhin 2-sano ah…

Ilo wareedkaan ayaa Diinah.com news u sheegay in 3-da Mas’uul ee Dalka (Farmaajo, Mursal iyo Muudey) ay Maalmahaan dambe Qorshahaan si aan qarsoodi aheyn uga wadeen Hoteelada iyo goobaha ay Xildhibaanada isugu yimaadaan, iyadoo maanta qorshuhu yahay in Fadhiga maanta looga dooda Sharciga la xiriira dembiyada la xiriira galmada.

Gudoonka Barlamaanka iyo Villa Somalia ayaa ku adkeysanaaya iney sii shaqeyn doonaan inta laga soo dooranaayo Xildhibaanadii bedeli lahaa kuwaasoo ku imaan doona doorsho Qof iyo cod, Waxaana Mr.Mursal iyo Muudey lagu eedeeyay iney si sharci darro ah ula wareegeen Awoodii Aqalka Sare, waxeyna tartan kula jiraan Dowlad goboleedyada Dalka ka dhisan.

52730cookie-checkKulanka Xildhibaanada Iyo Shakiga Muddo Kordhinta