Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Somalia news

Waxaa Qarax aad u xoogaan uu ka dhacay daqiiqado ka hor inta u dhaxeysa Hoostadii NISA iyo Xaruntiisa hore ee Curyaamiinta ee Degmada Wardhiigley Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya…

Warar hordhac ah oo laga helay qaraxa ayaa sheegayo in lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda oo ku sugnaa Xerada Guutada 27-aad ee Ciidanka Xoogga oo ku taalo dhabarka dambe ee Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho Stadium una dhow Xarunta Cuuryaamiinta.

Waxaa jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidamada Dowladda iyo dad shacab ah, kala soco Caasimadda Online wixii kusoo kordha Inshaa Allah.

52760cookie-checkQarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho