Kulankii xiliyadii ugu dambeeyay ee loo dheg taagayay ee Beelaha Mudulood ayaa barqanimadii ka furmay Mowlaca Macallin Nuur ee Degmada Hodan, waxaana ka soo qeyb galay ergooyin ka kala socda Jufooyinka Beelaha iyo kuwo lagu marti qaatay…..
Waxaana Ka Hadlay Madaxweyenihii Hore Cali Mahdi Maxamed, isagoo jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa, isagoo la dardaarmay Mr.Farmaajo wuxuu yiri “Ninka hadda haaya Xilka “Cabdullaahiyow” Waa dadaaashay, wax waad qabtay, kursi hadii uu darajo leeyahay, Muddo aad Maal iyo magac ku kasbato waad joogtay, waxaan kugula talinayaa Doorashada Waa iney wakhtigeeda ku dhacdaa, Cid Soomaali ah oo yeeleysa iney dib u dhacdo ma jirt, waxaana kuugula talinayaa in aadan Dagaal sokeeye Dalka dib ugu celin.
Waxaa kaloo ka hadlay Wasiirka Amniga Mr.Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay” in Doorshada wakhtigeeda la qabto, cid laga yeelayaa muddo kororsi ma jirto” wuxuu sheegay In Madaxweynayaashii hore ay doorsho qabteen iyagoo kursi jecel.
Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah Shaqsiyaadka sida weyn u taageera madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kuna magacaaban la-taliyihiisa, ayaa waji gabax kala kulmay shirka beelweynta Muddullood oo saakay ka furmay mowlaca Macallin Nuur.
Shirka hadduu shir Mudullood yahay, sooma kaceen, laakiin doorashaa laga hadlay, sidaas ayaa usoo kacay, doorasho dadban ayaa la rabaa in nagula qasbo oo doorasho qof iyo cod aheyn oo shacabkaan raba inay codeeyaan,” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle oo intaa raaciyay in Madaxweyneyaashii hore Sharif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh ay sameeyeen muddo kordhin bilooyin ah.
Muhiimada hadalkii Salaad Cali Jeelle oo codsi uu jeediyay ku timid ayaa dadkii dhageysanayay aysan la dhicin iyo cid dhageysatay, iyadoo dadku hoos ka guuxayeen dalbanayeen in cod baahiyaha laga qaado.