Cabasho Laga Keenay Cunaqabateyn Ay Keny Soo Rogtay

Somalia news

Maamulka Nairobi oo shalay dib u fasaxeen duulimaadyadii diyaaradaha caalamga ee ka bixi jiray dalkeeda iyo kuwii imaan jiray, kuwaasoo ay u ogalaatay in diyaaraduhu ay u duuli karaan dadkana ay u kala daabuli karaan ilaa 30 dal oo adduunka ka tirsan….

Dalalka ay Dowlada Kenya ka Soo saartay xayiraadda dhanka duulimaadyada diyaaradaha waxaa ka mid ah Soomaaliya kaasoo wali diyaaradahii aadi jiray aysan u fasixin inay u safri karaan oo ay dad geeyaan.

Talaabadaan ayaa waxaa walaac xooggan ka muujiyay Ganacsatada Soomaalida ee shirkadaha diyaaradaha ee ka kala shaqeyn jiray Muqdisho iyo Nairobi kuwaasoo hadda sheegaya in ganacsigooda uu wajahayo dhibaato dhaqaale.

Mr.Hassan Shafat Yuusuf oo kamid ah Mas’uuliyiinta Diyaaradaha Freedom iyo Blue-Sky ee ka shaqeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhibaatada ay ganacsigoodii arrintaasi ku yeelatay.

51880cookie-checkCabasho Laga Keenay Cunaqabateyn Ay Keny Soo Rogtay