Markabkii MV Abdullah Oo u Afduubnaa Burcad Badeed Oo Madax Furasho Laga Bixinaayo…

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaanada xeebaha Puntland ayaa sheegaya in Markabka MV Abdullah ee lagu haysto xeebaha degaanada Maamulka Puntland isla markaana u afduuban burcad-badeed degaanka kasoo jeeda ayaa lagu wadaa in lacag madax-furasho laga bixiyo, si looga sii daayo kooxdaasi..

Wararka ayaa sheegaya in Milkiilayaasha Markabka MV Abdullah ee tan iyo bilowgii bishii Maarso gacanta ugu jira burcad-badeedda ayaa ku wargeliyay in heshiiska ay ku sii deynayaan markabka la dhameystiri doono ka hor munaasabadda ciidul fidri, si shaqaalaha markabka saaran oo dhamaantood u dhashay Bangladesh ay qoysaskooda ula ciidaan.

Horgalada Burcad badeedka ee Markabka haysata ayaa horay u dalbatay $5 Millions, ma cadda waqtiga ay kooxdan lacagta soo gaarayso iyo arrinta ugu muhiimsan oo ah sida ay uga degayaan markabka oo meel aan ka fogeyn uu ku sugan yahay maraakiib dagaal oo ay leeyihiin India iyo Midowga Europe, balse iskuday kasta oo lagu weerarri karay markabka waxaa diiday Dowlada Bangladesh iyo Milkiilayaasha markabka.

318930cookie-checkMarkabkii MV Abdullah Oo u Afduubnaa Burcad Badeed Oo Madax Furasho Laga Bixinaayo…