Kulankii Villa Somalia Oo Khilaaf U Baaqday

Somalia news

Ilo Wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay Madaxweynaha Dowlada Federaalka iyo 4- ka mid Madaxda Dowlad Goboleedyada Ee Kulanka wada tashiga uga socda Xarunta Madaxtooyada Ee Villa Somalia…

Xogtaan ayaa Diinah.com news u tilmaamtay in Mr.Farmaajo uu kali ku noqday Qorshihii iyo Qodobadii uu doonayay inuu ka meel mariyo Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaana la sheegay in Heshiiskii Dhuusa mareeb-3 ay ku taageereen Madaxweynaha Hir-shabelle iyo Gudoomiyaha Gobolka Benadir, iyadoo inta soo hartay ay isku mowqif noqdeen.

Wararka ayaa sheegaya in Mr.Farmaajo Qodobada lagu wado inuu tanaasulaad ka muujiyo ay ka mid yihiin:-

-Maamulka Doorashada aysan keli ku noqon Guddiga Doorashooyinka oo gudi isku dhaf ah ay maamulaan.

-In Tirada Ergada laga dhigo 101-150 xubnood.

-Inta Xisbiyada Meesha laga saaro

-In Ugu yaraan 2- degaan ay ka dhacaan doorashoyinka

61080cookie-checkKulankii Villa Somalia Oo Khilaaf U Baaqday