Degaanada Dalka Oo Ka Socoto Dhac Farsameysan Ee Adeegsiga .SO & Adeegyada Teknolojiga

Somalia news

Waxaa soo kordhay kooxo ku qaraabta magaca .So ee Internet-ka, kooxahaan ayaa lunsada dhaqaale tiro badan oo loogu talo galay in lagu hormariyo dhinaca adeegsiga baraha internet-ka iyo teknolajiyadda si loo gaarsiiyo Shacabka Soomaaliyeed…

Waxaa jirta in Somalia lagu soo wareejiyey adeegsiga magaca .SO oo ah ee dhinaca Internetka (country code Top-Level-Domain-ccTLD). Ujeedka laga lahaa waxay ahayd in Somalia adeegsato magaceeda dhinaca internet-ka si loogu garto boggaga hay’adaha dawladda.

Hadaba waxaa jira in Dowladda Federaalka oo ay hoos timaado hay’adda u qaabilsan magaca internet-ka Somalia lana yiraahdo SONIC (Somali Network Information Centre) ay heshay lacag loogu yaboohay in dhinaca adeegsiga internet-ka ee hay’adaha dawliga ee heer federaal iyo heer maamul goboleed lagu gaarsiiyo adeegsiga internet-ka dalka oo dhan.

Dhaqaalahaan yabooha ah waxay ka kala timid Hay’adaha Dowladda Somalia taageera sida World Bank, Midowga Yurub iyo African Development Bank, Lacagta laga hadlayo waa lacag kor u dhaafaysa 20 ilaa 30 milyan oo US$ muddo 4 sano ahna loogu talo galay in lagu isticmaalo laguna hormariyo adeegsiga teknolajiyadda ee deegaanada kala duwan ee Soomaaliya.

Kooxahaan shuftada ah ayaa la sheegay iney la wareegeen boggagii internet-ka ee hay’adaha Dowlad Goboleedyada, iyagoo loogu gabanayo waxaan idiinku samaynaynaa oo idiinku keydinaynaa (hosting) si lacag la’aan ah, sida loo sheegay Warsidahaan dhaqaalaha halkii bog lagu bixinayo ama lagu qaadanayo ay ka badan tahay $1,500 oo doolar sanadkii, halka markii hore shirkadaha teknolajiyadda ee Dalka jooga ugu hayeen ama ugu hosting gareyn jireen in ka yar $200 oo doolar sanadkii.

198480cookie-checkDegaanada Dalka Oo Ka Socoto Dhac Farsameysan Ee Adeegsiga .SO & Adeegyada Teknolojiga
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com