Deni Oo Wada Tashiyo Ka Bilaabay Magaalada Garoowe

Somalia news

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bilaabay la kulmida dhinacyada Maamulkiisa, isagoo kala tashanaaya arrimaha ku saabsan magacaabida 11 Senator oo Puntland u matali doona Aqalka Sare ee dawladda Faderaalka ee Somalia, isagoo diiradda saaraya dhammaan dhageysiga xubnaha uu doonaya Xilka Senatorada…

Wararka ayaa sheegay in Mr.Deni uu dadaal-galinaya sidii ay 11-ka Xubnood u noqon lahaayeen kuwa Bulshada sumcad ku leh, sidaas oo kalena wax kabedelida hanaanka mataalada ee Dawlad gobaleedka Puntland, iyadoo ay inta badan xubnaha Aqalka Sare lagu eedeeyo in aysan la imaanin matelaadii ay ka rabtay Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa kulamadiisa ugu horeeya la yeelan doona Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoonka Baarlamaanka, sida ay xaqiijinayaan Ilo loo qaateen ah, isagoo diiradda saaraya sidii u qancin lahaa samiqeybsiga Beelaha ka hor, inta aan la gaarin soo saarida liiska rasmiga ah ee Senatorada.

131140cookie-checkDeni Oo Wada Tashiyo Ka Bilaabay Magaalada Garoowe