Qarax Miino Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Mogadishu

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga soo Sheegaya Qarax Ka Dhacay Wadada Ee Xaafadda Daarusalaam Duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inuu ka dhashay dhaawacyo soo gaaray Ciidanka katirsan Ilaalada nabadgalyada Waddooyinka (Traffic) oo Gawaarida weydiiya Ruqsadda (License) isla markaana hubiya Sumadda ku xiran….

Ilo kala duwan ayaa Diinah.com news u xaqiijiyay in Qarax miino loo dhigay Halka loo yaqaan Xoola Qalka oo u dhaxeeya Daarusalaam & Isgoyska Janaraal Daa’uud, waxaana goobta tagay Ciidamada ammaanka oo qaaday askarta dhaawacantay.

Magaalada Muqdisho waxaa dhowr jeer ka dhacay Qaraxyo qaarkood loo dhigay Saraakiil & Ciidamo katirsan Dowladda oo sababay dhimasho & dhaawac, waxaana inta badan sheegta Al-Shabaab.

106470cookie-checkQarax Miino Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Mogadishu