La-Taliyihii Farmaajo Ee Doorashada Oo Shirka Laga Saaray

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga helayaa Shirkii Guddiyada Farsamada Ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Ee xalinta Khilaafka Doorashada ee uga furmay Magaalada Baydhabo, Iyadoo wararku ay sheegeen in muran xoogan uu ka dhashay Ka qeyb galka Shirka La-taliyaha Arrimaha Doorashada Ee Villa Somalia….

Xogtaan ayaa u xaqiijisay Warsidaha Diinah.com news in Mr.Cabdi Cali Raage oo ah La Taliyaha Farmaajo oo gelinkii hore ee shalay ka soo dhex muuqday kulankii Guddiga Farsamada ee Baydhabo ka furmay, waxaana xalay dood xoogan ka dhalatay kaalinta uu ku leeyahay Kulanka Xubnaha Guddiga Farsamada.

Wakiilada Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland, ayaa ku adkaystay in laga saaro Shirka Mr.Cabdi Cali Raage, maadaama uusan ka mid ahayn Xubnihii magacawnaa ee lagu heshiiyay, Shirka Gudiyada Farsamada waxaa la filayaa maanta la soo gabagabeeyo.

95300cookie-checkLa-Taliyihii Farmaajo Ee Doorashada Oo Shirka Laga Saaray