Liiska Senatorada Konfur galbeed Ee Doorashada Oo La Dhaliilay

Somalia news

Dhaliilo xoogan iyo eedo ayaa loo jeediyay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Konfur galbeed, kadib markii uu soo saaray Liiska hordhac ah Musharixiinta Doorashada Senatorada, kuwaasoo dhamaantood lagu sheegay iney yihiin Taageerayaal jidbeysan Ee Farmaajo…

Ilo wareed Ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Madaxweynaha Koofur Galbeed, markii uu  qoray kursiga Hop#003, Aadan Cabdinaasir (Wasiiru Dowladaha Arrimaha gudaha Dowladda Federaalka kuna wargaliyay “in uu keensado qofkii kula tartami lahaa sidaasna uu ku keensaday Maxamed Xasan oo darawalkiisa ah”.

Markii tartanku bilaawdo ayuu ku dhawaaqaa in uu tanaasulay sidaas ayuuna ku soo baxay Aadan” ayuu Warsidahaan u sheegay mid ka mid ah Xildhibaanadda Koofur Galbeed, waxaana la sheegay In Senator Xuseen Sheekh Maxamuud (Xisbiga UDP), oo Kursigaan ku fadhiyay 4-tii sano u dambeysay laga reebay Liiska kadib markii Farmaajo culeys ku saaray.

Sidoo kale Waxaa Liiska laga Saaray Senator Ilyaas Cali Xasan (Xisbiga Himilo), iyo Senator Cabdulahi Cabdi Garuun oo Oday Soomaaliyeed, waxaa laga reebay Senatorada Samsam Ibraahim Cali oo mar kale u tartameysa waxaana ay aad u taageersan tahay Farmaajo

132420cookie-checkLiiska Senatorada Konfur galbeed Ee Doorashada Oo La Dhaliilay