Baaqyo Nabadeed Oo Loo Jeediyay Qorqor & Suufiyada

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusa mareeb ee Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in Madaxa Maamulka Galmudug ayaa la sheegay in maalmihii ugu dambeeyay uu culeysyo siyaasaadeed kala kulmaayo qeybaha kala duwan Ee Bulshada ka soo jeeda Degaanada Galmudug, si looga baaqsado dhiig daata iyo barakicin…

Baaqyadii ugu dambeeyay ayaa la sheegay iney soo saareen Haweenka reer Galmudug, iyagoo cod dheer ku dalbaday in aan weerar lagu qaadin Magaalada Guricel oo ay ku sugan yihiin Xoogaga Hubeysan ee Suufiyada, isla markaasna lagu xaliyo Khilaafka taagan Wada hadal.

Xubnahaan Haweenka ah oo ay Hogaamineysay Xaliima Yareey Gudoomiyaha Guddiyada Doorashada ee Madaxa banaan, waxeyna la kulmeen Mas’uuliyiinta Galmudug, iyagoo kala hadlay Khilaafka kala dhaxeeya Suufiyada iyo in la joojiyo abaabul colaadaha, iyagoo ugu baaqay in miiska Wada hadalka si aan loogu dul dagaalamin Dadka Rayidka ah lagana baaqsado in la barakiciyo.

144370cookie-checkBaaqyo Nabadeed Oo Loo Jeediyay Qorqor & Suufiyada