Amisom Oo Lagu Amray In Gaadiidka Boliiska & NISA Ay Baaraan

Somalia news

Hogaanka Sare Ee Ciidamada Amisom ee fadhigoodu yahay Xarunta Xalane ayaa soo saaray awaamiir lagu baaraayo Gaadiidka Ciidamada Boliiska ee galaaya garoonka diyaaradaha Magaalada Mogadishu kadib markii ay todobaadkii tagay soo xogo Amaan….

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in Kadib markii Saldhigii Boliiska Garoonka diyaaradaha lagu wareejiyay Boliiska Gobolka Benadir, isla markaasna inta badneyn Ciidamadii Saldhigaasi lagu xoojiyay Maleeshiyaad ka soo baxsaday Shababka isla markaasna loo geliyay dharka Ciidamada Boliiska iyo NISA si ay weeraro uga fuliyaan Xarunta UN-ka Ee gudaha garoonka diyaaradaha iyo Hoteelada ay degan yihiin Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

CCiidan AMISOM ayaa heegan buuxa la geliyay iyagoo lagu amray iney baaraan Dhamaan Ciidamada Dowladda iyo gaadiidkooda gaar ahaan kuwa Boliiska ee ka tirsan Saldhigga Garoonka iyo NISA, waxaana la diiday inay gudaha Airport iyadoo aan la baarin, Isbadaladaan ayaa banaanka keenay kala shaki u dhaxeeya Ciidamada Amisom oo lagu Eedeeyay iney Dhaqaale ka qaateen Adeege Fahad iyo Saadiq John si loo fuliyo wararada la Qorsheeyay.

105810cookie-checkAmisom Oo Lagu Amray In Gaadiidka Boliiska & NISA Ay Baaraan