Eedeymo & Musuq Hareeyay Habka Shaqo bixinta Maamulka Jubbaland

Somalia news

In muddo ah waxaa cabsho xoogan laga muujinaayay habka loo maareeyay mashruuc ay qeyb ka tahay Hey’adda World Bank isla markaasna loo xil saaray fulinteeda Guddiga Shaqada iyo Shaqaalaha Maamul goboleedka Jubbaland, iyadoo lagu shaqaaleysiinaayo dhowr iyo toban boos oo ka banaan Wasaaradaha Maamulka…

Hase yeeshee waxaa soo shaac baxaayo cabasho xoogan oo Dadka shaqada raadsaday ka qabaan Guddiga kuna aadan hufnaanta Nidaamka Shaqaaleynta, iyadoo Dadka cabashada qaba ay bilaabeen iney dhaliishooda ku soo gudbiyaan baraha bulshada, sida aysan ugu qanacsaneyn sida loo maareeyay Tartankaasi.

Gabadh kagu magacaabo Faatima Cabdicasiis Haajir oo ka mid aheyd tartamayaasha ku soo baxay Liiska kooban, ayaa ka cabatay kadib markii maalintii Axadii u tagtay ka qeyb galka Imtixaanka xarunta Guddiga lagu wargeliyay ineysan ku jirin liiska kana qeyb galeynin, waxaana sabab looga dhigay ineysan Shahaadooyinkeeda aysan waafaqsaneyn shuruudaha la rabo.

Wararka ayaa sheegay in Boqol Qof ayeey aheyd iney Imtixaanka u farsiitaan maalintii axadii, balse ayaan darro waxa dhacay ayaa aheyd mid laga yaxyaxo, bacdamaa ay natiijada Guddiga ay noqotay mid horey loogu xamanaayay, iyadoo World Bank uu maalgelinaayay mashruucaan lagu shaqaaleysiinaayo Shaqaale Dowladeed kuwaasoo mushaarkoodu u dhaxeynaayo 400-1200 US$, iyadoo ay ku xiran tahay hadba Qofka uu xilka uu hayo.

235000cookie-checkEedeymo & Musuq Hareeyay Habka Shaqo bixinta Maamulka Jubbaland