Liiska Xildhibaanada Baarlamaanka 11-aad Oo la Shaaciyay (Yaa Ka Maqan)

Somalia news

Kadib markii xalay lagu dhawaaqay natiijada Liiska Xildhibaanada cusub ee xulashada Golaha Shacbiga & Aqalka sare ee ka dhacday Shanta Dowlad Goboleed, Kuwa Benaadiriga & Xildhibaanada Waqooyiga…

Liiska kuraasta natiijadooda rasmiga aan Guddiga FEIT u shaacin ee horay loo hakiyay, isla markaa aan ku soo bixin liiska rasmiga ah ee Labada Aqal Baarlamaan Federaalka waxaana ka mid ah:

Koofur Galbeed

1- #HOP103 oo ah kii uu u tartamaayay Guddoomiye Jawaari balse koofur galbeed soo siisay Maxamed Cali Xasan

2- #HOP154 oo ay kusoo baxday Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdalla.

3- #HOP204 oo uu kusoo baxay isaaq Cali Subag balse laga hor istaagay Wasiirka Gaashaandhiga C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

halka Hirshabelle laga reebay liiska

Hop#086

Malaga yaabaa Madaxweyne Koofur Galbeed in Xildhibaannadiisa uu u diido ka qeyb galka dhaarinta Xildhibaannada labada Aqal ee la qorsheeyay 14 April Iyo inay shahaadada rasmiga iyo kaararka aqoonsiga qaataan isaga oo ka jawaabaya saddexda kursi ee natiijadooda la hakiyay, lagana reebay Liiskii rasmiga ahaa ee caawa uu shaaciyay Guddiga FEIT.

Saddex meelood labo meel Xildhibaannada laga soo doortay Koofur Galbeed ayaa ku sugan Baydhabo, wixii ka dambeeyay markii shahaadooyinka KMG la guddoonsiiyay.

178810cookie-checkLiiska Xildhibaanada Baarlamaanka 11-aad Oo la Shaaciyay (Yaa Ka Maqan)