Oday-Dhaqmeed Loo Diray Fariimo Hanjabaado Dil ah Xambaarsan

Somalia news

Waraka naga soo gaaraya degaanada Dowlad Gobokeedka Puntland ayaa sheegaya in Suldaan Cabdiqani Qorane, oo kamid ah waxgaradka Puntland uu sheegay inay soo gaareen fariimo hanjabaad xambaarsan una soo dirtay Maleeshiyaadka kooxda Argagixisada Shabaabka, taasoo ku aadan inay khaarajin doonaan…

Suldaan Qorane oo sidoo kale kamid ah culimada Puntland oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa xusay in xogo uu helay ay sheegayaan in Kooxda Shabaabku u soo dirtay xubno kamid ah oo isku qarxin doona, wuxuuna ku xusay fartiintiisa sidaan:-

Middan kalena waa wiilashaan, maanka laga qaaday
Hadday sado macaan tahay ninkii, maadiyaa cune e
Nin mudmuday dharkayn hoosna maray, mudhuxyey shaaleeye
Miyir waxaad ku waydaan iswaal, kuma mihiibtaane
Muslim kuma cabiidsamo wallaan, madaxa kaa goyne
Muggii weel ma dhaafee Alloow, mooska yaan jabinnin
[Saahid Qamaan]

178740cookie-checkOday-Dhaqmeed Loo Diray Fariimo Hanjabaado Dil ah Xambaarsan