Guud ahaan Howlaha Garoonka Diyaaradaha & Xarunta Xalane Oo La Hakiyay

Somalia news

Qoraal ka soo baxay Hogaanka Amisom ayaa lagu xusan in Qof aan Safar ahayn maanta aan loo ogolaan doonin inuu galo gudaha garoonka Aadan Cadde, iyadoo Baaritaan guud laga fulin doono dhamaan qeybaha ay ka kooban tahay xarunta Xalane & dhismayaasha ku xeeran xeynbaadka Garoonka Diyaaradaha…

AMISOM ayaa soo saartay warqaddaan hoose, Waxayna sheegeen in Maanta 1-da April, ay sameyn doonaan baaritaan guud oo dhanka xoojinta Amaanka ah qeybaha ( Marin gate, Madona gate, Movcon, aaga Baaburta lagu dhaqo, dukaamada Jikada ee qeybta 1-aad, Waxaana baaritaankaasi loo adeegsan doonaa eeyaha tababaran ee halkaasi ku xareysan, iyadoo Goobaha Ganacsiga lagu wargeliyay in la xiro inta Baarista socoto.

Baaritaankaan ayaa imaanaya xilli maalmihii lasoo dhaafay Amaanka guud ee Xarunta Xalane laga dareemayay amni darro aad u liidata, iyadoo xogo la helay sheegayaan in kooxo hubeysan oo taabacsan Farmaajo & Fahad ay halkaas hub ku uruursadeen.

Wararka ayaa dheegay in maanta Ciidamada Amisom waxey ogolaan doonaan oo keliya Dadka Safraaya oo wata Tickets-ka, halka dadka kale ee caadiga ahaa oo iskugu jira kuwa goobaha ganacsiga ku leh & Shaqaalaha Garoonka gebi ahaantoodba la hakiyay.

178840cookie-checkGuud ahaan Howlaha Garoonka Diyaaradaha & Xarunta Xalane Oo La Hakiyay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com