Amaanka Gobolada Soomaalida Kenya Oo Laga Digay

Somalia news

Mas’uuliyiin ka tirsan Waaxda Amaanka Ee Kenya ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in weerarkii labaad oo lagu qaaday Gaari bas ah uu ka dhacay Degaanada Soomaaliyeed degan tahay ee Dalkaasi kaasoo welwel ku abuuray…

Wararka hordhaca ah Ayaa sheegaya in Dhacdadii ugu dambeysay weerar lagu qaaday bas mararay inta u dhaxeysa Ceelwaaq iyo Kotulo, kadib markii koox hubeysan oo loo maleynayo in ay katirsan yihiin Kooxda Shabaab weerartay gaarigaasi ka yimid Magaalada Nairobi.

Inta la xaqiijiyay waxaa dhaawac soo gaaray 8-ruux oo qaarkood laga deerinayo dhaawacooda oo ah mid halis ah sida dhaqaatiirta daweyneyso ay u sheegeen ehelka bukaannada dhaawacyada laga daweynayo.

Taliska Boliiska Kenya ayaa sheegay in ay baaris ku wadaan kooxda Baska weerartay oo gashay dhulka keynta ah ee u dhaw halka weerarka ay ka fulisay, waxaana laga howlgeliyay ciidamo Boliis ah oo kaashanaya dadka deegaanka.

Dowladda Kenya ayaa dajisay qorshe lagu sugayo ammaanka dadka raacaya gaadiidka dadweynaha oo marar kala duwan Kooxda Shabaab rasaas ku furtay, halka xiliyada qaar dad kala degtay Gaadiidka, Tallaabada amni sugidda xukuumadda Nairobi ayaa ah in basaska la raaciyo ilaalo hubeysan oo ogolaanshiyo ka heysta Dowladda, si ay dusha u saarato mas’uuliyadda nabadgalyada dadka safraya.

65040cookie-checkAmaanka Gobolada Soomaalida Kenya Oo Laga Digay