Hey’adda Duulista Hawada Somalia Oo Beenisay Warar Been Abuur ah uu Faafiyay Milkiilaha WorldRemit..

Somalia news

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay si weyn ugu faafiyay Warar been abuur ah oo uu Milkiilaha Shirkadda WorldRemit Mr.Ismaaciil Axmed kaasoo ku sheegay in Diyaarad (Air Ambulance) ah ay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ka celisay nooca gargaarka caafimaadka ah (Air Ambulance)..

Mr.Ismaaciil oo lagu tiriyo inuu ka mid ah Xubnaha aad u neceb Midnimada Somalia ayaa qoraal been abuur ah oo uu soo dhigay Bartiisa Facebook ku sheegay in Diyaarada ay qaadi laheyd Wakaalkiis oo madaxa dhiig uga furmay una baahday in Deg deg loogu qaado magaalada Addis abeba, Ayaan darro ma sheegin Diyaarada Flight Lambarka iyo Bukaanka Magaciisa.

Qoraal ay soo saartay Hey’adda Duulista Hawada ee Somalia ayaa caddeysay ineysan jirin Diyaarad nooca Gargaarka deg deg ah (Air Ambulance) ay ka celisay Hawada Somalia mana jirto codsi loo soo gudbiyay Ha’yadda si ay ugu degto mid ka mid ah Garoomada Diyaaradaha ee Dalka.

306970cookie-checkHey’adda Duulista Hawada Somalia Oo Beenisay Warar Been Abuur ah uu Faafiyay Milkiilaha WorldRemit..