Tiro Ganacsato Lagu Xiray Degmada Balcad

Somalia news

Warbixino hordhac ah oo laga helay Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelada dhexe ayaa sheegaya in Qaar kamid ah Ganacsatada iyo Gadisleyda magaalada Balcad ayaa 24 saac ka badan si sharci darro ah ugu xiran xabsiga Boliiska Magaalada….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Muwaadiniintaan oo tiradoodu gaareyso 20-Qof ayaa qofkiiba laga rabaa $100 oo baad ah, waxaana sabab loogu sheegay iney Kooxda shabaab lacago baad ah siiyeen. Dadka xiran ayaa u badan Beeraley iyo Gadisleyda kuwaasoo bixiya Canshuuraha laga rabo balse hadda la weydiistay lacag dheeraad ah.

Waxaa is weydiin mudan, in Muwaadin degan Degmada Balcad oo ah magaalo aan hormarsaneyn ku ganacsada, Amni sugan aan ku heysan, isla markaasna bixiya canshuur laba dhinac ah, bil Ramadaan ah, carruur Ciid ka rabaan, ma bixin karaa lacagtaas!!?.

Shacabka HirShabeelle waxay dhib ku qabeen Isbaarooyin xad dhaaf ah, amni darro baahsan iyo maamul xumo, xaq miyaa in loogu daro lacag baad ah oo hadane heer maamul ah.

113610cookie-checkTiro Ganacsato Lagu Xiray Degmada Balcad