Maxaa Keenay Hakinta & Dib u Dhaca Dagaalkii Dhanka ka ahaa Argagixisada Shababka…

Somalia news

Waxaa soo shaac baxaaya in hakad uu ku yimid Howlgaladii dhanka ka ahaa Kooxda Argagixisada ee Degaanada Hirshabelle iyo Galmudug, iyadoo Maamulka Villa Somalia ay ka gaabsadeen ka hadalka Howlgalada iyo dib u gurashada Ciidamada Dowlada iyo Xoogaga Hubeysan ee Degaanada, taasoo dhalisay Hadal heyn badan…

Guuxa iyo Tuhunka taagan ayaa Shacbiga dhexdiisa ka dhalisay hadal heynta, iyadoo ay xaalada uga sii dartay Amusnaanta Villa Somalia, waxaana Dadka Taageersan Dowladda ku fasireen dib u gurashada Ciidamada “Xeelad Ciidan iyo dib isu abaabul”, inkastoo Kooxaha mucaaradka ku tilmaameen “Fashil” & fudeyd qorsho la’aan xambaarsan oo lagu daray Qorshe iyo Abaabul xumo.

Hadaba, miyaa lagu soo koobi karaa Hakadkaan iyo Dib u gurashada Ciidamada Qodobada hoosta xusan:-

-Kala Shakiga Ciidamada Dowlada, kuwa Maamulada iyo Xoogaga Degaanka, iyadoo ay jirto kala shaki baahsan oo Ciidamada iyo kuwa Degaanka u dhaxeeya, tuhunkana wuxuu xoogeystay kadib markii Saraakiil Ciidamada Hogaqminaayay ah Dagaalka la dhabar jebiyay qaarkoodna lagu dilay.

-Saameynta Macaashka Dagaalka iyo Ka Ganacsiga Dhiiga Ciidamada, Xuuraano la helay ayaa daaha ka rogaaya in ugu yaraan tiro Saraakiil sare ay Macaash badan ka sameeyeen Howlgalada Ciidamada halka kuwo kale ay Naftooda khatar u gashay in shirqoolo loo maleego, iyadoo Saadkii iyo Sahaydii Ciidamada toos kooga iibiyay Kooxda Shababka, Halka mar mar ay dhacdo in Sahadyda la daahiyo si ula kac ah si fashilku u soo baxo xilalkana looga xayuubiyo Saraakiisha.

-Mashruucyo Siyaasadeed (Doodka Dastuurka) oo garabyada Kooxda Demu jadiid fureen, si loo xakameeyo Guulaha Ciidamada iyo Xoreynta Dhulal balaaran iyo Maamulada Qaarkood oo si hordhac ah loogu sheegay iney Xilka Baneeyaan.

-Dhaqaale Jarida UAE ee Ciidamada Dowladda oo ku taageeraayay 14500 oo Ciidamada Dowlada Federaalka kuwaasoo u qondeeyay 300-Askarigiiba, haatana ay Ciidamadaasi bishii 2-aad u socoto iney Mushaar la’aan ku shaqeeyaan.

-Niyad jabka Shacbiga ee Hab-dhaqanka Madaweynaha oo Caruurtiisa iyo xigtadiisa Xilal u magacaabay in ka yar 2-sano una dhaqmaaya sidii Boqortooy, talabaadaasi oo mucaaradku ku sifeeyeen “Dadaal Hal Qod ah”, sikastaba waxaa marqaati ma doonto ah in hadii uu qabyo uga tago dagaalka Shababka uu ku sifoobi doono mid ku fashilmay Balanqaadyadii uu qaaday xiligii doorashada.

314180cookie-checkMaxaa Keenay Hakinta & Dib u Dhaca Dagaalkii Dhanka ka ahaa Argagixisada Shababka…