Ma dhabaa in Fahad & Saaxiibkiisa ay Ka Baxeen Magaalada Mogadishu

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa safar u muuqda ka baxsasho Cadaalada ayaa Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin iyo ganac-yarihiisa gaarka ah C/raxmaan Dheere maanta kaga ambabaxeen Muqdisho, maalin ka hor inta uusan Madaxweynaha cusub ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud la wareegin Xafiiska…

Wararka ayaa sheegaya in Fahad iyo saaxibkiis ku sii jeedaan dalka Turkiga, iyagoo saaka garoonka Muqdisho ka raacay diyaaradda Turkish Airlines oo duulimaad toos ah ku tageysay Muqdisho-Istanbul, waxeyna ku fashilmeen iney helaan Xildhibaanimo xasaanad xambaarsan si ay uga baxsadaan Dacwadaha badan ee loo heysto.

ilaa hadda lama yaqaano in Fahad uu si toos ah uga guuray Muqdisho oo uu dibad joog noqonayo wixii hadda ka dambeeya, maadaama Maamulkii uu Milkiilaha iyo saameynta badan ku lahaa shantii sano ee la soo dhaafay talada lagala wareegay, hase ahaatee Fahad Yaasiin ayaa saaxibo uu la hadlay waxaa uu u sheegay inuu safar gaaban u baxayo, dibna u soo laaban doono.

190220cookie-checkMa dhabaa in Fahad & Saaxiibkiisa ay Ka Baxeen Magaalada Mogadishu