Boliiska B/Weyne Oo Xabsiga Dhigay Dhalinyaro

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa 3-Dhalinyaro ah (Xasan Hani) oo midi Haweeney tahay (Ruun Sagal geed), ayaa saacadihii la soo dhaafay ay Xoogaga Amaanka ee Magaalada B/Weyne Ee Gobolka Hiiraan Xabsiga u taxaabeen (Xerada Ciidamada Lama galaan) sababo la xiriira iney ka soo horjeedaan Maamulka Cali Guudlaawe ee Hir-Shabelle….

Da’yartaan ayaa la sheegay iney ka mid ahaayeen shaqsiyaad ugu caansan ee Bulshada Magaalada B/weyne ee ka horjeeda Maamulka Hir-Shabelle ee sanadkii tagay si aan nidaamka Awood qeybsiga Beelaha ku dhisneyn lagu doortay, talaabadaasi ay horseeday in Dadka degaanka Magaalada B/Weyne ay ka soo horjeestaan.

Sida ay muujinayaan xogo la soo gaarsiyay Warsidaha Diinah.com news, Dhalinyaradaan ayaa lagu beegsaday iney qeyb ka ahaayeen abaabulka shir beeleed ka dhacay Magaalada B/Weyne looga a soo horjeedo Maamulka Cali Guudlaawe Ee Hir-shabelle, “Wada Tashigaasi ayaa la sheegay inuusan jecleysan Madaxweyne Kuxigeenka Hir-Shabelle Mr.Yuusuf Dabageed, waxaana looga arrinsanaayay Aayaha Shacbiga Gobolka Hiiraan.

Bulshada Gobolka Hiiraan ayaa inta badan waxey taabacsan yihiin Hogaamiyaha Kooxda Mucaaradka Hubeysan ee ka soo horjeeda Maamulka Hir-Shabelle oo Rabitaanka Villa Somalia lagu dhisay, iyadoo Xilka Madaxtinimo Ee Hir-Shabelle laga wareejiyay Gobolka Hiiraan oo la siiyay Gobolka Sh/Dhexe,waxeyna xuseen ineysan xasilooni ka jirii doonin Gobolka ilaa Xuquuqdooda ay helaan.

90970cookie-checkBoliiska B/Weyne Oo Xabsiga Dhigay Dhalinyaro