Ma Dhabaa in Dowlada Federaalka ka Laabtay Go’aankeedii la Xiriiray Xiritaanka Xafiiska UNSOM..

Somalia news

Qoraal ay soo saartay Wasaarada Arrimaha Dibeda ee Dowlada Somalia ayaa looga laabtay go’aankii ay ku dalbatay in la xiro lana soo gabagabeeyo howlgalka QM ee Somalia, gaar ahaana UNSOM, kaasoo muddo 32-sano ah soo shaqeynaayay…

Wararka ayaa sheegaya in Qoraal kale oo Wasaaradu u dirtay UN-ka ayeey laga codsadeen in guddi wadajir ah loo saaro, sidii dib loogu qaabeyn lahaa howlgalka QM ee Somalia, Warqada cusub oo ay dirtay DF ayaa lagu cadeeyey iney diyaar dhankeeda u tahay magacaabida xubno Soomali ah oo wax ka diyaariya qorshaha kala guurka, gaar ahaana UNSOM.

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Hogaanka Villa Somalia uu cadaadis xoogan kala kulmay soo jeedintii hore, waxaana wada hadal telfoon oo uu la yeeshay Xoghayaha guud ee QM heshiis lagu gaaray magacaabida guddi gaar ah oo UNSOM Shaqadeeda dib u qaabeeya la magacaabo.

326170cookie-checkMa Dhabaa in Dowlada Federaalka ka Laabtay Go’aankeedii la Xiriiray Xiritaanka Xafiiska UNSOM..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com