Gacan Ka Hadal Loo Geystay Sarkaal Ka Tirsan Boliiska

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Gacan ka hadal loo qaaday Sarkaal ka tirsan Ciidamada Boliiska, iyadoo la sheegay in falkaan si abaabulan ay u fuliyeen Horjoogaha Boliiska Gobolka Benadir iyo Ilaaladiisa. kuwaasoo la sheegay iney dhaawac u geysteen Sarkaal Boliis ah….

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Horjooge Saadiq Joon uu gudaha Xafiiskiisa ugu gacan qaaday Sarkaal lagu magacaabo Daahir Maxamed Tuuryare oo dhowaan laga soo wareejiyay Ciidamada Xoogga Dalka, kadib markii uu muran xagga shaqada ah dhex maray islamarkaana ay ku kala aragti duwanaadeen habka loo maareynaayo shaqada.

Sarkaalka loo gacan qaaday ayaa la sheegay inuu warbixin Dacwo ah u gudbiyay Taliyaha Ciidamada Boliiska, kaasoo shaqo joojin iyo xabsi guri geliyay Saadiq Joon, Falkaan gacan qaadka ah ayaa dhaqan ku cusub Ciidamada Boliiska kuwaasoo ku caan baxay sareynta sharciga iyo Ilaalintaba, isla markaasna u horseedi doonta sumcad xumo.

102240cookie-checkGacan Ka Hadal Loo Geystay Sarkaal Ka Tirsan Boliiska