Caqabadaha Hortaagan Kulanka Muqdisho Iyo Rajo La’aanta

Somalia news

Iyadoo xalay lagu waday inuu qabsoomi Kulan isugu yimaadaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Jubland iyo Puntland, Axmed Maxamed Islan iyo Siciid Cabdullaahi Deni, kulankaas ayaa baaqdey sababo iyo shuruudo la xiriira in ka hor Shirku lagu heshiiyo si loo sii amba qaado turxaan bixinta Heshiiskii qabyada ahaa ee Dhuusa mareeb-3….

Haddaba shirka Muqdisho waxaa hor taagan caqabado dhawr ah oo u baahan in laga gudbo marka hore, ama is afgarad laga gaaro waxaana kamid ah:\

-Jubaland waxay ugu baaqay Maamulka Farmaajo inuu hirgeliyo heshiiskii Dhuus mareeb-2 ee la xiirray in la soo afjarto faragelinta ay ku hayso Gobolka Gedo, maamulada ay magacowdey ka soo saarto iyo ciidamada ay diyaaradaha ku daabuleen.

-Puntland iyo Jubaland waxay sheegeen maadaama shirkii Dhuusamareeb 3 isaga oo aan loo dhameyn laga soo saarey war-murtiyeed, kan Muqdishona aanu noqon sidoo kale mid aan loo dhameyn ee loo baahan yahay saddexda maamul goboleed ee maqan in shirka ka soo qaybgalaan si qabyo kale aysan u dhicin.

-Saamileyda siyaasdadda Somalia waxay dalbanayaan in shirka ay ka qayb galaan, waxaana soo dhaweeyey Puntland iyo Jubaland.

Ilo wareedyo ayaa Diinah.com news u sheegay in Wakiilada beesha caalamku wado cadaadis la saarayo Dowaldda federaalka ah sidii gobolka Gedo oo ka tirsan maamulka Jubaland isfaham looga gaari lahaa ciidamada lagu daabuleyna looga soo sari lahaa, Si kastaba waxaa muuqata in shirkan uu noqonayo mid ka weyn qabyotir, laakiin sida uu u furman lahaa caqabado horyaalaan.

58710cookie-checkCaqabadaha Hortaagan Kulanka Muqdisho Iyo Rajo La’aanta