Deni Oo Sheegay in aan lagala Tashan Magacaabista Wasiirka 1-aad

Somalia news

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Saciid Deni ayaa sheegay in Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud aanu kala tashan magacaabista Ra’iisul wasaaraha cusub Xamse Cabdi Barre oo ka soo jeeda deegaanada Jubaland…

Mr.Deni oo walaac arintaasi ka muujiyay ayaa sidoo kale cabasho ka keenay sida uu u dhaqmay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud markii uu magacaabayay Ra’iisul wasaaraha, isagoo ku faanay inuu kaalin weyn ku lahaa guusha doorashadii 15-ka May ka dhacday teendhada Afisyooni.

Niyad-xumo ayuu ka muujiyey magacaabida Ra’iisul wasaaraha cusub, isagoo sheegay in 120 cisho la tijaabin doono, isagoo duray kalsoonida lagu qabi karro Xukuumad uu dhiso doono, oo uu madax banaani la’aan dareen ah qabay.

Hadalkaan wuxuu Mr.Deni ka sheegay kulan Qado ahaa uu shalay magaalada Garoowe ugu sameeyay Xildhibaanada Puntland oo uu kala hadlayay xaaladda guud ee Puntland iyo halka ay tahay in laga aado isbedelka cusub uu dalka galay.

Lama oga in Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland uu banaanka keeni doono khilaafka ugubka ah ee kala dhexeeya Madaxweynaha, iyadoo Xasan Sheekh uu ka feejignaa inuu xilkaasi u dhiibo qof uusan garaneyn, wuxuuna doonayaa inuu ka weecdo wadadii sanadihii 2012 ilaa 2017 oo uu soo magacaabay saddex Ra’iisil wasaare.

195980cookie-checkDeni Oo Sheegay in aan lagala Tashan Magacaabista Wasiirka 1-aad
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com