Ma Dhabaa In Dowladu Oggolaatay In Cali Dheere Dibeda Lagu Soo Daaweeyo

Somalia news

Sida ay xaqiijinaayaan ilo wareedyo loo qaateen ah Afhayeenkii Kooxda argagixisada Shababka (Cali Maxamuud) alias Cali Dheere, ayaa la sheegay in muddo ah uu dhul dhigay Cudurka Cansarka, iyadoo Saraakiisha NISA iyo Madaxtooyada xiriiro la la Sameeyay…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Ehelada iyo Qaraabada Afhayeenka Kooxda Shababka ay xiriir la sameeyeen Madaxtooyada Villa Somalia iyo Hogaanka NISA, waxeyna ka codsadeen in Bukaanka loo oggolaado in loo qaado Dalka Qatar si loogu soo daweeyo Horjoogahaan.

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Hogaanka Villa Somalia iyo kan NISA ay durbadiiba xaqiijiyeen caddeynta oggolaasha bixitaanka Bukaanka Ee Garoonka diyaaradaha Ee Magaalada Mogadishu si loogu qaado Isbitaal Ciidan oo ku yaal Magaalada Dooxa Ee Dalka Qatar.

125520cookie-checkMa Dhabaa In Dowladu Oggolaatay In Cali Dheere Dibeda Lagu Soo Daaweeyo