Haweenka Doorkooda Siyaasada iyo Doorashada

Somalia news

Haweenka Soomaaliyeed ayaa sanadihii ugu dambeeyay halgan adag iyo olole ugu jira sidii ay kaalin muuqata uga ciyaari lahaayeen Siyaasada iyo Doorashada, Dhawaan waxaa la filayaa in Dalka Somalia ay ka qabsoomaan doorashooyinka Heer Federaal iyo Maamul goboleed, balse waxaa wali taagan walaac laga qabo in dumarka aysan helin qoondo ku filan…

Labadii Doorasho Ee ugu dambeysay waxaa dadaal fiican lagu bixiyay in Haweenku kaalin muuqata ku yeeshaan Siyaasada iyo Doorashada, Waxaa lagu heshiiyay in Haweenka laga siiyo qoondo dhan labada Aqal Ee Baarlamaanka 30/%, ayaan darro taasi ma suurtoobin, Doorashada la filaayo in Sanadkaan la qabto ayaa waxaa soo shaac baxaaya walaac xoogan oo muujinaaya iney is dhinto qoondada Haweenka.

Maxey yihiin Caqabadaha Hortaagan Qoondada Haweenka:-

-Qabaa’iilada, Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta ayaa la sheegay iney hortaagan yihiin matalaada Haweenka Ee Doorashada waxeyna ku sababeeyeen in aan la aamini karin.

-Maamulada Gobolada, Waxey wajahaayaan cadaadis xoogan oo kaga imaanaya Musharixiinta, Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka, waxaana lagu cadaadinayaa in Kuraasta qaarkood aan la siinin Haweenka.

-Siyaasiyiinta qaarkood ayaa aaminsan in Haweenka 8-dii sano Ee u dambeysay la doortay ay wakhtigoodii ku dhameysteen Guulwaden iyo inu mashquuleen iney u alalasaan Madaxda xiliga talada heysa, oo ay ka gaabiyeen sidii ay ugu Doodi lahaayeen xuquuqda Haweenka iyo saamigooda Siyaasada iyo Doorashada.

-Dhaqaalaha, Doorashada soo Aadan Waa ka kharash badnaan doontaa kuwii la soo dhaafay, sidoo kale waxaa la kordhiyay Ergada oo laga dhigay 101-Qof, Xiligaan Haweenka Siyaasada ku jira laguna tuhmaayo dhaqaale buuran inkastoo ay dhaqaale ka heli doonaan Hogaanka xiligaan iyo Siyaasiyiinta jeebka buuran.

-Kaalinta Beesha Caalamka, waxaa aad u yaraatay Saameyntii iyo cabsidii laga qabay Kooxaha Ajaaniibta (Beesha 6-aad), sidaas darteed waxaa aad u yar rajada laga qabo in la dhageysto hadalada Wakiilada Beesha Caalamka.

125490cookie-checkHaweenka Doorkooda Siyaasada iyo Doorashada