Ma Dhabaa In Farmaajo Uu Dhaqaale Weydistay Sacuudiga & UAE

Somalia news

Ilo Wareedyo loo qaateen ah oo ku dhow Saraakiisha Madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Farmaajo ayaa la sheegay inuu taageero musharaxnimsdiisa ah iyo mid dhaqaale weydiistay Dalalka Boqortooyada Sacuudiga iyo Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE)…

Xogtaan ayaa u xaqiijisay Warsidaha Diinah.com news in Wasiirka 1-aad Ee Dowladda xil gaarsiinta Mr.Rooble uu todobaadkii tagay markii uu tagay Sacuudiga uu kula kulmay Magaalada Riyaad Saraakiil Sare oo ka tirsan Hogaanka Boqortooyada Sacuudiga wuxuuna u gudbiyay fariin uu ka siday Mr.Farmaajo kaasoo salka ku heysay sidii Loo taageeri lahaa Musharixnimadiisa iyo in Dhaqaale loogu deeqo Dowladda Federaalka oo dhaqaalihii laga jartay.

Sidoo Kale Ergo ka Wakiil ah Mr.Farmaajo Ayaa Magaalada Abu Dhabi kula kulmay Dhaxal sugaha UAE, iyagoo weydistay Taageero dhaqaale iyo mid Siyaasad, kadib markii godoon uu galay Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo, waxaana la sheegay in Dhaxal sugaha inuu oggolaaday inuu wada hadal la furo balse wuxuu ka gaabsaday qodobka dhaqaalaha.

119360cookie-checkMa Dhabaa In Farmaajo Uu Dhaqaale Weydistay Sacuudiga & UAE