Maxaa Ka Dhab ah inuu iska casilay Xilkii xubnimada Senate-ka Aqalka Sare

Somalia news

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa magaalada la hadal hayay in Senator Cabdi Ismaaciil Samatar, uu iska casilay xubinimada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Somalia isagoo la sheegay inuu ku sababeeyay is-casilaadiisa Wasiir loo magacaabay Sheekh Mokhtaar Roobow..

Prof. Samatar ayaa xusay in warkaas uu yahay waxba kama jiraan, uuna Aqalka Sare ugu biiray u adeegista bulshada Soomaaliyeed, Sidoo kale, Waxaa uu sheegay in uu taageersan yahay Wasiirka cusub ee Diinta iyo Awqaafta XFS Mukhtaar Roobow Cali Abu Maansuur, oo uu ku tilmaamay nin geesi ah oo ku dhac leh, isagoo intaas ku daray in uu kamid ahaa dadkii kasoo horjeeday xarigii ay u geysatay dawladdii Madaxweyne Farmaajo iyo dadkii lagu laayay Baydhabo, xilligii lasoo qabanayay.

Ugu dambeyntii Senator Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in dhowaanahan uu ku mashquulsanaa buug uu ka qoray Soomaaliya, kaas oo lagu magacaabo “XEYNDAABEENTA SOOMAALIYEED”, uuna soo bandhigayo.

208370cookie-checkMaxaa Ka Dhab ah inuu iska casilay Xilkii xubnimada Senate-ka Aqalka Sare