Ma Dhabaa In Farmaajo Uu Sas Ka Qaaday Safarka Sacuudiga

Somalia news

Xogo loo qaateen ah ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Diinah.com news in Mr.Farmaajo uu bilaabay isku day uu uga hortagayo safarka qorsheysan ee la filayo Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ku tagaan Sacuudiga, kaddib martiqaad ay ka heleen Boqortooyada Sacuudiga..

Wararkaan ayaa intaasi raaciyay in Madaxtooyada Villa Somalia, Hogaanka NISA, Saraakiisha Sirdoonka Qatar iyo Dowladda Ethiopia ay dhamaantood wadaan dadaalo isbaaro loogu dhiganaayo joojinta safarka, iyadoo Mr.Farmaajo uu toos ula xiriiray Danjiraha Somalia fariina loogu dhiibay Safiirka Sacuudiga halka Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed uu xiriiro la Sameeyay Qaar ka mid ah Maamulada Gobolada iyo Dowladda Sacuudiga si loo joojiyo Safar qorsheysan.

Mr.Farmaajo ayaa saa iyo cabsi xoogan ka qaaday Safarka iyo martiqaadka Dowladda Sacuudiga Ee Golaha Wadatashiga Qaran, wuxuuna maalmahaan ku mashquulay sidii safarkaasi loo baajin lahaa isagoo ku guuldareystay in Maamulada Galmudug, Konfur galbeed iyo Hir-Shabelle ka joojiyo iney qeyb ka noqdaan Safarka.

Wararka ayaa sheegay in Madaxtooyada Villa Somalia Hogaanka NISA iyo Saraakiisha Sirdoonka Qatar ay adeegsanayaan dariiqyo kala duwan ah oo la marsiiyay Danjiraha Somalia ee Nairobi oo kuna socota Safiirka Sacuudiga ee Nairobi oo dhinac ah iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed sidoo kale kaalin ku leh dadaaladaan lagu doonaayo in safarkaas la baajiyo.

137360cookie-checkMa Dhabaa In Farmaajo Uu Sas Ka Qaaday Safarka Sacuudiga