Dad ku Geeriyoodeen Dab ka kacay Goob Ganacsi ee Degaano ka Tirsan Gobolka Sool..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degaanka Balli-Harac oo qiyaastii 70-km dhinaca Galbeed ka xiga magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in dhowr Qof ay ku geeriyoodeen kadib markii dab ka kacay goob ganacsi oo degaankaasi ku yaal, iyadoo la sheegay in looga soo gurmaday magaalada Laascaanood iyo degaano kale..

Wararka ayaa sheegay inuu Dab ka kacay goob Ganacsi oo isugu jirtay Goob Shidaal iyo tiro Carwooyin ah Wararka ayaa sheegay in Dabkaasi ay ku geeriyoodeen ilaa 5-Qof oo isugu jira Dadkii iska lahaa Meherada iyo Dad u soo dukaameysi tagay Goobta.

Wararka ayaa sheegay in Xiliga Dabku uu kacay la sheegay in Gaari Booyad ah Shidaal ku shibaayay Haan Shidaal oo meherada ku dhow, taasina ay sababtay inuu Dabku ka horeeyo Qarax booyada ah, waxaana la sheegay in Dadkii ka dukaameysaneysa ay ku go’doomeen, iyadoo Wararka ay sheegeen Rasaas ay bakhaaradaasi ku jireen taasoo xaalada sii adkeysay, Waxaa ku dhaawacmay 7-Qof.

318870cookie-checkDad ku Geeriyoodeen Dab ka kacay Goob Ganacsi ee Degaano ka Tirsan Gobolka Sool..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com