Is-Rasaaseyn Ka Dhacday Agagaarka Dhismaha Safaarada France Ee Tanzania

Africa News

Warar dheeraad ah ayaa laga soo sheegayaa Nin Dabley ah oo weeraray meel aad ugu dhow dhismaha Safaarada France ay ku leedahay Magaalada Daru salam ee Dalka Tanzania, falkaan ayaa la sheegay inuu ka dhashay dhimasho…

Taliyaha Ciidamada Boliiska Tanzania Mr.Simon Sirro ayaa sheegay in Weerarkaan ay dhinteen 5-qof oo 3-ka mid ahi ay ka tirsanaayeen Ciidamada Boliiska, isagoo intaasi raaciyay in jiro tuhun ah in Ninkaan uu ka soo jeedo Dalka Somalia, weerarkaan laga yaabo inuu xiriir la leeyahay Kooxaha Muslimiinta hubeysan Ee Kacdoonka ka wada Dalka Mozambique.

Dhacdadaan kadib Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay digniino ay u jeedisay Muwaadininteeda, iyagoo lagu wargeliyay iney dhaqdhaqaaqooda xadidaan kana fogaadaan goobaha Dadka ku badan yahay, iyagoo sheegay in falkaan uu xiriir la leeyahay Kooxda argagixisada dagaalada ka wada Dalka Mozambique.

137390cookie-checkIs-Rasaaseyn Ka Dhacday Agagaarka Dhismaha Safaarada France Ee Tanzania