Maxaa Ka Taqaan Hogaamiyaha Dalibaan

Somalia news World

Hogaamiyaha Ururka Dalibaan ee Xukunka la wareegay Mullah Habatullah Akhundzada ayaa dhashay 19-kii Oktober 1967, isagoo ku dhashay Degmada Banjwayi Ee Konfur galbeed ee Magaalada Kandahar wuxuuna ka soo jeeda Qabiilka Noorzai, wuxuuna ka soo jeeda Qoy aad lagu tixgeliyo Aqoonta Diinta Islaamka…

Wuxuu lagu yeeraa “ Mawlawi” oo derejo ahaan ka sareysa Mullah oo ay heysteen Mullah Cumar Asaasihii Dalibaan Iyo Kuxigeenkiisa oo la wada dilay, Hogaamiyahaan ayaa mar soo noqday Gudoomiyaha Maxkamada Talibaan Ee Kabul, wuxuuna Mas’uul ka ahaa inta badan Fatwooyinka iyo Xalinta dhibaatooyinka diimeed Ee ka dhex jiray xarakada gudaheeda.

30-kii bishii July 2005 ayaa loo magacaabay Hogaamiye Kuxigeenka Ururka oo xiligaasi uu Madax ka ahaa Mullah Akhtar Muhammed Mansoor oo la Dilay 22-kii May 2015-kii duqeyn ay diyaaradaha Dagaalka Ee Mareykanka ku qaadeen degaan ku dhow Magaalada Quetta ee Gobolka Balochistan Ee Xadka Pakistan iyo Afghanistan.

25-kii May ayaa Golaha Shuurada Dalibaan “ Ahl al hal wal AlAqd Shura” u doorteen Amiirkooda, 9-kii Juun 2018 ayuu oggolaaday in xabad joojin KMG kadib markii uu heshiis aan dhaqan gelin la galeen Dowladii Burburtay Ee Ashraf Ghani, Hogaaniyahaan ayaa lagu tilmaamaa Nin af gaaban, ilaa hadda lama oga inuu Dalkaasi Madaxweyne ka noqon doono, balse waxey u badan tahay inuu Hogaamiye Diimeed oo Leh go’aanka ugu dambeeya Ee Siyaasada, Dhaqaalaha iyo Arrimaha Ciidamada iyo Diinta uu noqon doono.

137330cookie-checkMaxaa Ka Taqaan Hogaamiyaha Dalibaan