Madaxweynaha Turkiga Oo Booqasho Ku Tagaaya Dalalka Ethiopia, Kenya & Somalia & Ujeedada..

Somalia news

Ilo Diblomaasiyadeed ayaa xaqiijinaaya in Madaxweynaha Dalka Turkiga, Mr.Recep Tayyip Erdoğan ayaa booqasho ku maraya Dalal ka tirsan bariga Afrika, kuwaasoo ay ka mid tahay Somalia, iyadoo Ujeedada Safarka lagu fasiray Kor qaadida Siyaasada & Ganacsiga Turkiga..

Xogtaan ayaa sheegtay in safarka Mr.Recep Tayyip uu ku aadan yahay muddo 60 cisho ah (labo bilood) kadib, iyadoo ay si hoose Dalalkaasi ugu socdaan diyaar garowga Qabanqaabada Safarka Madaxweynaha Turkiga, waxaana aad loo xadiday wararka la xiriira Safarka oo Saraakiisha Madaxtooyada iyo Wasaarada Arrimaha Dibeda culeys lagu saaray ineysan faafin.

Dalka Turkiga ayaa ah saaxiibka ugu weyn ee Somalia taageera, waxaana lagu xasuustaa Erdoğan in sanadkii 2011-kii kasoo degay Muqdisho xilli dagaalo adag ka soconayeen, sidoo kalena Daafaha Caasimada ayna ku dhufatay abaar baahsan, wuxuuna Dowlada ka taageeraa Dhinacyada Kabka Miisaaniyada (Ciidamada), Tababarka, Waxbarashada iyo Caafimaadka.

2016kii ayaa u dambeysay booqasho Madaxweynaha Turkigu ku yimaado Soomaaliya. Dawladda Turkiga ayaa ka caawisa Xukuumadda Muqdisho dhismaha ciidamada iyo kabka miisaaniyadda oo hadda Ankara hakisay. Sidoo kale, Turkiga ayaa Muqdisho ku leh safaaraddiisa ugu weyn ee qaaradda Afrika iyo saldhig milateri oo uu ku tababaro Ciidamada Somalia.

280970cookie-checkMadaxweynaha Turkiga Oo Booqasho Ku Tagaaya Dalalka Ethiopia, Kenya & Somalia & Ujeedada..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com