Ma Dhabaa In Farmaajo & Wasiiro Ay Dalbadeen Dhalashada Dalka Vanuatu

Somalia news

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Farmaajo, Fahad Yasin (Agaasimaha NISA), Kuxigeenkiisa(Jiis-Mareexaan), Cabdullahi Bidhaan Warsame (Wasiirka Kaluumeysiga), Jamaal Maxamed Xasan, ( Wasiirka Qorsheynta) Cabdirashiid Maxamed Axmed (Wasiirka Shidaalka) ay dalbeen Dhalashada & Baasaborka Dalka Vanuatu….

Xogtaan ayaa sidoo kale tilmaamtay in Siyaasiyiin uu ka mid yahay Cumar Finish uu qoyskiisa dejiyay Magaalada Ankara dhowaan, isagoo la sheegay inuu ka iibsaday Guri, wuxuuna xusul duub ugu jiraa sidii Uu Senator uga noqon lahaa Baarlamaanka 12-aad Ee dhowaan Doorashada dadban la qaban doono.

Dalka Vanuatu:-
Dalka Vanuatu 🇻🇺 ee ku yaal Badweynta Basifiga, ayaa muddo 3-sano ah, wuxuuna martigalinaayay Siyaasiyiinta, Ganacsatada iyo Eedeysanayaal Boliiska ku raad joogo, iyagoo u sharciyeynaaya Hantida la soo dhaco, isla markaasna Baasabor iyo degaansho siinaya.

Dalkaan ayaa la sheegay in Baasaboorkiisa ay ku qaadan karto muddo bil ah, adigoo bixinaaya 130-kun US$, Kooxaha Siyaasiyinta ee degay Dalkaasi Waxaa Hormuud u ah Ra’iisul wasaarihii Libya Fayez al-Sarraj, Amiir ka tirsan UEA, Former FIFA Boss iyo laba Wiil Oo walaalo ah una dhashay Dalka S/Africa kuwaasoo lagu eedeeyay iney dhaceen Aduun dhan $3.6bn cryptocurrency.

Dhamaan Eedeysanayaashaan ayaa ka faa’ideystay Barnaamij la magacbaxay CBI(The citizenship-by-investment), iyadoo ilaa 2020-kii ay dalkaasi degeen 2000 oo Qof, Dalalka EU-da iyo UK oo Dal ku gal La’aan lagu geli karo Baasaborka Jasiirada Vanuatu, ayaa welwel ka muujiyay tirada sii kordheysa ee Eedeysanayaasha Sida fudud lagu siiyay Basaaborka Dalka Vanuatu.

130380cookie-checkMa Dhabaa In Farmaajo & Wasiiro Ay Dalbadeen Dhalashada Dalka Vanuatu