8-Xubnood oo Isku Qoys ah oo Qarax Miino ku Geeriyoodeen & Xogta Miinada…

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax miino oo nooca hareeraha waddooyinka lagu aaso ayaa gabal-dhicii Shalay ka dhacay Degaanka Jicibow ee ka tirsan magaalada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan, waxaana qaraxaan ka dhashay khasaaro badan oo dhimasho…

Wararka ayaa sheegay in Qaraxaan Miinada uu haleelay Mooto nooca saddexda lugood leh oo ay adeegsadaan Beeraleyda, waxaana Mootadaasi la socday Dad isku qoys ahaa oo ka yimid beeraha Jicibow, Inta la xaqiijiyay qaraxa miino waxaa ku dhintay sideed qof oo ka koobnaa hooyo iyo saddax carruur ah oo ay dhashay iyo aabbe iyo afar carruur ah uu dhalay, dadkan ayaana dhammaan wada saarnaa mootada.

Mas’uuliyiinta Degmada Buulaburte ayaa qaraxan ku eedeeyay iney ka dambeeyeen kooxda argagixisada Shabaabka, waxeyna sheegeen maamulku in markii Kooxdu ku jabeen dagaalka bilaabeen in Shacabka ka aargutaan oo qaraxyo ku dilaan, waxeyna Dadka Degaanka ugu baaqeen iney taxadar badan muujiyasn marka ay safrayaan.

264980cookie-check8-Xubnood oo Isku Qoys ah oo Qarax Miino ku Geeriyoodeen & Xogta Miinada…