Ma Dhabaa in Fashilka Amnigu uu ka bilaawdo Fashil Hogaanka Siyaasada..

Somalia news

Inkastoo Hogaanadii Dalka soo maray ay dhamaan ka sinaayeen xulasho xumida Hogaanada Hey’adaha Amaanka taasoo horseeday iney dhamaan ku fashilmaan wax ka qabashada Amniga Dalka guud ahaan iyo gaar ahaan Caasimada, iyagoo lagu eedeeyay iney fududeeyeen in isbaarooyin la dhigo Caasimada oo macaasha ka sameeyaan Saraakisha…

Hogaanka Dalka ayaa u xil saarta Saraakiisha Hey’adaha Amniga Dalka Kaadiriin aan weligood Shaqo Amni qaban iyo Saraakiil Darajooyin dhexe oo lagu aamino Hogaanka Talisyada Boliiska & Xoogga Dalka kuwaasoo u dhaqma ama u howlgeliya Ciidamada sidii Maleeshiyo Beeleedyada, waana taaso halka ay sarti ka quruntay.

Sidoo kale Hey’adaha Amaanka ayaa ka aaran Kiis-Baarayaal sare oo kala saari kara Xaqiiqooyinka iyo Sheekooyinka (Facts & Fictions) ama awooda iney ka daba tagaan marka uu dambi dhaco, iyagoo is-weydiinaya su’aalahaan Yaa ku lug lahaa Falkaan? Ma hal qof baa xuuraankii duufsaday? Ma jiraan marqaatiyo ku filan? Ma Aqoon/karti-darro awgeed ayaa baarista looga gungaari waayay mise waxay ahayd in Sarkaal laba kaarle ah uu si ula kac ah u caburiyay kiiska Xuuraanka, ku darsoo Garsoorka Dalka ayaa noqoday seylad la isku faliso, talaabooyinkaan is biirsaday ayaa horseeda Fashilka Amniga Dalka, 

Khabiir Sirdoon ayaa dul istaagay “Waxaan yaqiinsanahay in fashilka amnigu uu ka bilowday fashilka Siyaasiyiinta Hogaanka Dalka qabta”, iyadoo Sirdoonka kooxaha Argagixisada ay in badan ka wanaagsan yihiin kuwa Dowladda, Waxaan ognahay iney jireen xogo sirdoon oo  hordhac ah loo gudbiyo Hogaanada Hey’adaha Amaanka nasiib darro kama faa’iideystaan waxeyna mashquul ku yihiin sidii macaaah badan uga sameyn lahaayeen isbaarooyinka Shacbiga lagu dhibo balse Kooxaha argagixisada loo sahlo iney si fudud ku gudbistaan Gaadiidka iyo Qaraxyada, “Somalia Cidna uma maqna Ceelna uma qodna”.

259660cookie-checkMa Dhabaa in Fashilka Amnigu uu ka bilaawdo Fashil Hogaanka Siyaasada..