Gobolka Gedo oo Yeelatay Gudoomiye cusub iyo Diidmo laga Muujiyay inuu Safar ku tago

Somalia news

Qoraal uu soo saaray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa magacaabay Maamul cusub oo uu yeelanayo Gobolka Gedo, xilli xiisad daran ay kajirto Gobolkaasi, iyadoo Qeybaha Gobolkaasi ay muujiyeen iney ka soo horjeedaan Maamulka..

Wareegtadaan kasoo baxda Xafiiska Madaxwaynaha Jubbaland, ayaa lagu magacaabay Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Gedo iyo afar kuxigeen, kuwaasoo magacaabistooda la gala tashtay Madaxwayne kuxigeenka Maamulkaasi midane Maxamuud Sayid Aadan.

Hadaba Magacaabistaasi kadib, garabka kale ee maamulka gobolka Gedo oo uu Hogaaminayo Axmed Buule Gareed Canjeex, ayaa qaaday talaabo lagu diidayo in Gudoomiyaha magacaaban uu gobolka tago.

Duulimaad uu ku tagi lahaa Dooloow ayaa Cabdullaahi Shimbir lagu xayiray Muqdisho kadib amar kasoo baxay Gudoomiye Canjeex oo diyaaradii qaadi lahayd ninkaan la amray in aysan kasoo qaadi karin Muqdisho.

259620cookie-checkGobolka Gedo oo Yeelatay Gudoomiye cusub iyo Diidmo laga Muujiyay inuu Safar ku tago
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com