Qarax Miino Oo Lagu Weeraray Gaari Ciidamada Kenya Oo Khasaare Dhaliyay

Africa News Somalia news

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax miino oo lagu weeraray Gaari Ciidamada Dowladda Kenya oo maraayay Tuulada Qurqura oo ka tirsan Degmada Mandheere kaasoo ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Askartii saarneyd gaarigaasi…

Wararka ayaa sheegay in Hal askari oo Boliis ah uu ku dhintay lix kalena dhaawac kala duwan ayaa soo gaaray Arbacadii-shalay 7-dii June, kadib markii gaari ay la socdeen ay kula qaraxday miino tuulada Qurqura ee Koonfurta Mandheera, wararka ayaa intaasi raaciyay ayaa sheegaya in ciidamadan ay wateen gaari gaashaaman oo noociisu yahay 110 Landrover, xilli ay ku sii jeedeen degmada Ceelwaaq si ay shidaal uga qaataan ka hor inta aysan ku dhicin dabinka miinada ee wadada dhinaceeda bidix.

Saraakiisha Caafimaadka ayaa diiwaan galiyay in mid ka mid ah askarta uu ku dhintay dhaawac halis ah oo dhanka midig ah iyo madaxa, Lixda kale waxaa laga daweeyay dhaawacyo u badan laabta, feeraha, qoorta iyo madaxa, waxaana lagu daweeyay Isbitaalka Gudbinta Degmada Ceelwaaq, Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa booqday taliyaasha ciidamada Boliiska ee maamul Goboleedka Konfurta Mandheera iyo Degaanka Lafey kuwaasoo sameeyay baaritaanno dhanka amaanka ah.

259690cookie-checkQarax Miino Oo Lagu Weeraray Gaari Ciidamada Kenya Oo Khasaare Dhaliyay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com