HAWLGALKA ATMIS OO BANDOW KU SOO ROGAY XARUNTA XALANE & GAROONKA DIYAARADAHA

Somalia news

Qoraal ka soo baxay Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, ayaa lagu sheegay in bandow socon doona mudda dhowr maalmood ah lagu soo rogay xarunta Xalane iyo guud ahaan dhaqadhaqaaqa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho…

Qoraalka ayaa lagu xusay in laga bilaabo 25 ilaa 28 bishan April aynu ku jirno ay xaalad bandow ah ku soo rogeen xeyndaabka garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, Bandowgan ayaa saameyn doona dhammaan goobaha ay degan yihiin ATMIS, xarumaha UN-ka iyo dhammaan safaardaha degan gudaha garoonka diyaaradaha, Goobaha Ganacsiga iyo dhismayaasha.

Bandowgan ay ATMIS ku dhawaaqday ayaa waxaa ay ku soo beegantay qabashada doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo la qorsheeyay iney ka dhacdo teendhada Afisyooni 26-27 Bishaan.

184880cookie-checkHAWLGALKA ATMIS OO BANDOW KU SOO ROGAY XARUNTA XALANE & GAROONKA DIYAARADAHA
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com