Share the post "Ma Dhabaa in Gudoonka Baarlamaanka oo Jadwaleeyay Wax Ka Bedelka Dastuurka.."
Kadib markii ay u muuqatay inuu fashilmaayo Gogosha uu ku baaqay Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa soo shaac baxaaya in Jadwalka wax ka bedelka Dastuurka ee ay Laanta Fulinta u gudbisay Gudoonka Golaha Baarlamaanka ayaa loo sameeyay jadwal ka bilaabanaaya soo jeedinta 12-ka bishan…
Waxaana la xaqiijiyay in doodaha la bilaabi doono 14-ka isla Bishaan, sida jadwalka ka muuqata, iyadoo Cutubka 1-9 aad looga gudbayaa 2 maalin gudaheef, Taasoo ay ka muuqato in la dhowro Jadwalka, Cutubka 4-aad oo ah kan ugu muhiimsan, ayaa dhamaan la qorsheeyay in doodiisu ay dhacdo 4-6 bisha 3-aad ee Sanadkaan.

Ugu dambeyn 30 maalin gudahood wax ka yar ayaa qorsheysan in la soo gunaanado dhamaan Cutubyada Dastuurka KMG ah, Gudoomiyaha Golaha Shacabkuna ku dhawaaqo Natiijada meelmarinta wax ka bedelka oo u qaabeysan sida ay Madaxtooyadu iyo Maamulada u oggolaadeen.