Ma Dhabaa in Heshiis Hordhac ah Laga Gaaray Magaacibta Golaha Wasiirada Puntland..

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Golaha Wasiirada cusub ee Puntland, iyadoo ay ka soo dhex muuqan doonaan Xubno uu ka mid yahay Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif oo loo qorsheeyay inuu Noqdo Wasiirka Arrimaha Gudaha ama Waxbarashada..

Wararka ayaa sheegaya in Xubin aad ugu dhow Madaxada Hey’adda PS-ta Puntland oo loo qorsheeyay iney Wasaarad (A) ah shuruud lagu xiray iney marka hore Ciidamada ka soo daadgureeyaan degaanka Xaafuun oo Mr.Dani kula heshiiyay Sirdoonada USA, UAE iyo Israel iney farsiimo ka dhigtaan degaankaasi si jasiirada Soqadara looga ilaaliyo.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Gablax oo ka soo jeeda Beesha Cumar Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu iska casilo Xildhibaanimada, waxaana loo qorsheeyay inuu noqdo Wasiir (B) ah, halka Gudoomiyihii Doorashada Mr.Fu’aad Abshir ayuu Dani u qorsheeyay inuu noqdo Wasiirka Maaliyada, Wasaarada Amniga oo weli la tashi ku jirto waxaa loo badinaaya iney ka soo muuqdaan 2-Nin Midkood (Dhaqaajiye ama Liibaan).

Gacan yaraashii Mr.Dani ee Maamulkii hore kuwaasoo kala ah Maxamed Cabdiraxmaan (Dhabanacad) ayaa loo magacaabaya la-taliyaha Deni halka Juxaa loo badinaayo in loo magacaabo Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland, iyadoo uu saaxada Siyaasada ka baxaayo Wasiirkii Warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid oo aflagaada u qaabilsanaa.

307190cookie-checkMa Dhabaa in Heshiis Hordhac ah Laga Gaaray Magaacibta Golaha Wasiirada Puntland..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com