Maxaa ka run ah in Muran Dhul uu soo kala dhex galay Wasiirkii 1-aad ee Hore (Rooble) Kaaliyihiisa

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa muran xoogan oo salka ku haya lahaanshaha Dhul oo si wadajir ah u kala sheegteen Wasiirkii 1-aad ee hore Mr.Rooble iyo mid ka mid la-taliyayaashiisa gaarka ahaa kaasoo magaciisa lagu sheegay Cabdicasiis Ashkir…

Ilo xogogaal ah ayaa u sheegay Warsidaha Diinah.com in xiisadaan dhuleed oo muddo soo jiitameysa isla markaasna Odayaal dhaqmee, Saraakiil, Xubno Ganacsato iyo Siyaasiyiin kale oo is xilqaamay ay ku guuldareysteen in xal laga gaari muranka ku xeeran lahaansha dhul 4-Boos ah oo ku yaal agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Mogadishu.

Wararka ayaa sheegay in Dhulka la isku heysto uu bixiyay Duqii hore ee Magaalada Mogadishu, waxaana balantu aheyd iney laba iyo laba boos u kala qaataan, hase yeeshee Waxaa dhulkii sheegtay Cabdicasiis Ashkir oo ka soo jeeda Beesha (Ayaanle Ceyr), iyadoo guddiyo labada Nin ka kala socda ayaa ku guuldareystay iney xaliyaan Xiisadani.

Waxaa la sheegay in Dadaalo nabadeed ay wadaan Saraakiil, Odayaal iyo Ganacsato ka soo kala jeeda labada dhinac kuwaasoo isku dayaaya iney xiisadaan qaboojiyaan, inkastoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in Mr.Cabdicasiis Ashkir uu si hoose u wado uruursi Maleeshiyo ku beel si u u difaaco dhulka muranka ka taagan tahay.

234460cookie-checkMaxaa ka run ah in Muran Dhul uu soo kala dhex galay Wasiirkii 1-aad ee Hore (Rooble) Kaaliyihiisa
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com