Ma Dhabaa in Heshiiska Ethiopia & Somalia uu Salka ku haya soo Af jarida Xiriirkii Maamulada Gobolada..

Africa News Security Somalia news

Ku dhawaad Dagaal Diblomaasiyadeed iyo mid Brobagaan oo soo jiitamaasay ku dhawaad muddo Sanad ah una dhaxeeyay Ethiopia iyo Somalia ayaa ku heshiiyay iney dib u furaan Safaradahoodii, talaabadaan oo xaqiijineysa in iskaashi dhow iyo wada shaqeyn yeeshaan si loo hormariyo Nabada Geeska Africa…

Xiisada labada Dal ayaa ka dhalatay Heshiiska ay Ethiopia la gaartay Maamulka Somaliland kaasoo u oggolaanaya iney si sharci darro ah u hesho marin-biyood (Deked) Xeebaha Dalka, iyagoo ku bedelanaaya Aqoonsi ay u fidiso Maamulka gooni goosadka Somaliland, talabadaan fudeydka ku dhisan ayaa waxaa ka carooday Maamulka Hogaanka xiligaan ee Villa Somalia.

Xuuraanada la helayaa ayaa xaqiijinaaya Qodobka ugu muhiimsan ee Hogaanka Villa Somalia ayaa ahaa inuu soo xiro xiriirka Ethiopia ay la leedahay Maamul Goboleedyada qaarkood la yeelanayaan Maamulka Abiy ee Addis Abeba gaar agaan Maamulada Jubbaland Puntland iyo Somaliland, Heshiiska labada Dal ayaa lagu xaqiijiyay in Ethiopia ay heli doonto Deked taasoo lagu sakeynaayo Fa’iido wadajir ah.

Dood furan oo xalay ka dhacday barta Twitter-ka, ayaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Dowlada Federaalka si adag u diiday in Ethiopia ay si toos ah u gasho badda gacanka Cadmeed, Wuxuuna ku nuux-nuuxsaday iney jirto deked weyn oo Berbera ah oo ku taala gacanka cadmeed, taasoo xiligaan laga faa’iidaysan karo, isla markaana dabooli karta baahida Addis Abeba, Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in kooxaha farsamada ee labada dal ay si qoto dheer u eegi doonaan arrintan wixii ka dambeeya bisha Febraayo 2025 inta lagu guda jiro wada tashigooda.

Guddiyada Farsamada Wadajirka ah ee labada Dal oo diyaarinaaya faahfaahinta Heshiiska ayaa weli ku howlan qabyo-tirkiisa, iyadoo la filaayo in natiijada kama dambeysta ah la shaacin doono dhamaadka bishaan, Maamulka Ethiopia oo heshiiayo marin-biyood la gashay Dalalka Kenya, Djibouti iyo Somalia ayaa xusul duub damac waali ah ugu jirta iney u hesho Dekad Ciidamadeeda Badda iyo Maraakiibteeda ku daxaleysanaaya Dekeda Djibouti, iyagoo Sanadkii kiro ahaan looga qaado ku dhawaad 2-Biliion US$ ah.

356870cookie-checkMa Dhabaa in Heshiiska Ethiopia & Somalia uu Salka ku haya soo Af jarida Xiriirkii Maamulada Gobolada..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *