Heshiis Hordhac ah oo Laga gaaray Xiisadihii hortaagnaa Qabashada Shirka dib u Heshiisinta Baydhabo

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan uu Gudoomiyaha Golaha Shacbiga xalay kula qaatay hoygiisa Siyaasiyiinta ku midoobay Midowga Musharixiinta & Madasha Badbaadada Qaran ee Konfur galbeed, kulankaan ayaa lagu lafa guray qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Kulanka dib u heshiisiinta & Shaqaaqadii Baydhabo…

Kulankaan oo markii 2-aad ka dhacay Hoyga Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay iney dhinacyadaan isla qaateen in laga wada qeyb galo gogosha 5-ta Janaayo 2023 ee magaalada Baydhabo, talaabadaan ayaa timid kadib markii laga wada hadlay saluuga ay Dhinacyada Mucaaradka uga muujiyeen Shirka dib u heshiisinta, iyadoo qodobada qaarkood laga heshiiyay halka ku dhiman inta uu shirka socdo lagu xalin doono.

Hogaanka Mucaaradka ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ka dalbaday inuu ka shaqeeyo sidii gacantooda loogu soo celin lahaa Guriyihii iyo Agabkii ay bililqeysteen Maleeshiyaadka Laftagareen loona abuuri lahaa jawi xasiloon, Gudoomiyaha ayaa balanqaaday in tabasho kasta lagu xalin doon inta uu shirka socdo, wuxuuna rajeeyay in degaanku uu noqdo mid xasilooni siyaasadeed ka jirto dadkeedana ku wada nool yihiin Midnimo & Kalsooni.

234320cookie-checkHeshiis Hordhac ah oo Laga gaaray Xiisadihii hortaagnaa Qabashada Shirka dib u Heshiisinta Baydhabo
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com