Ma Dhabaa In Xiisado xoogan ay Ka jiraan Magaalada Boosaaso

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari (Puntland) ayaa sheegaya in Xiisado ay ka taagan tahay, kadib markii qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Gobolka ay diideen iney la shaqeeyaan Madaxweyne kuxigeenka…

Wararka ayaa sheegay in Mr.Karaash uu ergo ahaan u diray xubno Xildhibaano ah si ay u dhageystaan cabashada ay ka tababayaan Hogaanka Madaxweyne kuxigeenka, Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb-galay wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland Axmed Yaasiin Saalax iyo Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaraddiisa.

Xildhibaannada ayaa Mas’uuliyiinta u sheegay in ay la kulmeen Nadaxweyne ku xigeenka islamarkaana aysan jirin wararka laga faafinayo oo ku saabsan inuu xiisad ka wado gobolka Bari gaar ahaanna Magaalada Boosaaso.

Dhanka Kale, Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in aan weli la dhaarin Wasiiro uu dhowaan magacaabay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa ku amray Guddoomiyaha Maxkamada Derejada 1-aad ee Gobolka Bari Abukar Cabdinuur Jaamac inuu dhaariyo 2-ka mid ah Wasiirada uu dhawaan magacaabay balse Gudoomiyaha ayaa ka cudur-daartay hawshaasi.

Sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamadda sare Axmed Maxamed Yuusuf Taaran oo la wacay ayaa isna sida la sheegayo taleefonka ka jawaabi waayay.

187850cookie-checkMa Dhabaa In Xiisado xoogan ay Ka jiraan Magaalada Boosaaso
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

2 thoughts on “Ma Dhabaa In Xiisado xoogan ay Ka jiraan Magaalada Boosaaso

  1. Runtii Shaqsi noocaan oo kale ah in xil lagu aamino ayaaba khalad ah maskax kale Ayuu ku shaqeynayaa

Comments are closed.